Jawaabta Juballand ee eeddaha ay dowladda federaalka kula xirriirisay Al-shabaab

Maamulka Jubbaland waxay si kulul u diideen eedeymaha ka imaanaya Dawladda Federaalka. Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Jubaland Aaden Axmed Xaaji, ayaa sheegay in eedahaas aysan waxba ka jirin.

“Gaadiidkeenna, annaga badda ayaan marinnay, Buurgaabo ayaan joognay difaaceenna u dambeeya, Raaskambooni iyagaa ciidankeenna kala furay annagaa joognay”.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda in iyada ay weerarka soo qaadday sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

“Warka ay sheegeen waxba kama jiraan, dowladda iyadaa weerarka soo qaadday, dagaalka drone ayuu ku bilowday, wa haynaa drone-ka”.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in warka dowladda ay warbaahinta u gudbineyso uu been yahay.

“Dowladda hadii aysan iyada weerarka qaadin, intaas oo diyaaradood ayey meesha geysay, ciidan ATMIS ahaa oo degganaa Raaskambooni ma jiro, maxay ciidamada u geysay”.

Ciidamada dowladda ee la geeyay Raaskambooni waxaa hoggaaminayay Xasan Aadan Maxamed oo loo yaqaan Xasan Ciraaqi oo ah taliyaha guutada 18 -aad ciidanka Soomaaliya ee Gorgor.

Wararka waxay sheegayaan in isaga iyo ciidamo la socday ay u gudbeen dhinaca Kenya oo halkaas ay joogaan, balse ma jiraan warar rasmi ah oo madaxbannaan oo dowladda federaalka ama Jubaland ka soo baxay kuna saabsan halka uu ku dambeeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker