Fashilka Hay’ada Sirdoonka Somalia ,shaqadii booliska Somaliya ayay iyadu qaadatay!
Ugu hore waxaan salaamayaa bahda warbaahint,guud ahaan gaar ahaanba,Ascww’.
Intaasi ka dib waxa war soo saartay Hay’ada sirdoonka somaliya ee loogu yeedho ‘Nisa’, hay’adan oo ah mid sharciyan mid la shaqeysa ciidanka amaanka ama booliska loo yaqaano ayaa iyadu waxey is qaadatay shaqo aaney laheyn,shaqada danbiyada waxaa sheegi kara ama cadeyn kara oo kaliya ciidanka booliska ee uu dalkaasi leeyahey,balse hay’ada , sirdoonku waxii warar ah ee ay hesho waxa ay u gudbisaa laamaha amaanka qaabilsan ee uu boolisku ugu horeeyo.
Waxaan wararka ama faldanbiyeedka dal ka dhaca ka hadli kara ama sheegi karaa waa ciidanka booliska uu dalkaasi leeyahey.
Hadaba waxaa meesha ka cad in kooxda Xamar ka talisaa aaney fahansaneyn nidaamka dowlada ay sheeganayaan, markaasi waxaa meesha ka cad in dowlada loogu yeedho federaalka beenta ah xaalkeedu yahey iska hadal iyo iska dhe balse gabi ahaanba ay cidlo ka joogaan ,hanaanka dowladnimada iyo shaqadeedba,waxaana muuqata kooxdaasi in aaney aqoon u laheyn hogaamint iyo dowladnimada ee ay yahiin uun hunguri iyo qabiil la carar madhan,oo dhoohan.
Ugu danbeyn waxaan aad ugu xumey dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay degmada afgooye,waxaan ka tacsoyadeynayaa dhaanba ehelkoodii,iyagana alleh how naxariisto,amiin.
Qore:Tahir hussein
geesiga244@gmail.com