Israel ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u qiratay in ay ka dambeysay qaraxyada aalada pagers-ka

Raysalwasaaraha Israel ayaa sheegay in ay si buuxda ay isugu raaceen khatart Iran isaga iyo madaxweyne Trump. Sidoo kale waxa uu markii ugu horeysay sheegay in dalkiisa uu masโ€™uul ka ahaa qaraxyadii aalada pagers-ka iyo dilka Xasan Nasrullah.

Wuxuu sheegay in labada howlgal uu isaga ku adkeystay fulintooda inkastoo sida uu sheegay ay jireen in ay diideen masโ€™uuliyiinta difaaca iyo ammaanka.

Benjamin Netanyahu waxa uu sheegay in saddex jeer uu la hadlay madaxweynaha maalmihii u dambeeyay si loo xoojiyo xiriirka Israel iyo Mareykanka.

Mr Netanyahu wuxuu sidoo kale sheegay in isaga iyo Trump ay isku raaceen โ€œkhatar Iranโ€, โ€œWaxaan si buuxda isugu raacnay khatarta ka imaaneysa Iran iyo tan ay abuuri kartoโ€.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Israel, Mr Netanyahu waxa uu sidoo kale sheegay in dilka Xasan Nasrullah iyo qaraxyada aalada pagers-ka ay ahaayeen talo uu isaga ku adkeystay.

Tani waa markii ugu horeysay ay Israel si rasmi ah u sheegato in qaraxyada aalada Pagers-ka iyo dilka Xasan Nasurlah ay iyada ka dambeysay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker