Militariga Israel oo sheegay inay qabteen boqol dagaal-yahano
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay boqol dagaal-yahano ka soo qabteen Isbitaalka Kamala Adwan ee Marinka Gaza, ka dib maalmo ay hawlgal ka wadeen.
Ciidamada Israel ayaa xoog ku galay isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya ee waqooyiga Marinka Gaza, ka gadaal markii ay sheegeen inay heleen xogo ku saabsan inay ku sugan yihiin kooxaha wax iska caabinta, isla-markaana ay u adeegsadaan goob ay weerarada ka soo qaadaan.
Militariga Israel ayaa Isniintii sheegay in ujeedku uu ahaa in laga hortago weerarada, waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa xubnahaasi.
Militariga ayaa bayaan ku sheegay in qaar ka mid ah kooxahaasi ay isku dayeen in ay baxsadaan, intii ay ciidamada ku howlanaayeen inay dadka rayidka ah ka soo dhex saaraan.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in ragga gacanta lagu soo dhigay ay ku jiraan xubno ka tirsan Xamaas, oo lala xiriiriyay weerarkii 7-dii October ee sanadkii hore.
“Ciidamada ayaa sidoo kale isbitaalka ka soo helay hub, lacag iyo dukumentiyo sirdoon.” Ayaa lagu yiri bayaanka Militariga Israel.
Militariga ayaa Xamaas ku eedeeyay in xoogageeda ay si joogta ah uga hawlgalaan isbitaalada ku yaala Marinka Gaza, isla-markaana ay u isticmaalaan meelo ay ku qariyaan Israeliyiintii lagu soo qafaashay weerarkii 7-dii October iyo inay ka soo abaabulaan weeraradooda, ayna ku kaydsadaan hubka iyo walxaha qarxa.
Taliska Ciidamada Israel ayaa marar badan eedeymahan oo kale u jeediyay Xamaas, iyagoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin.
Xamaas waxay horey u sheegtay in Israel ay tani cudurdaar ugu raadineyso weeraradeeda ka dhanka ah goobaha dagaalada ka caagan iyo jebinta ay ku hayso shuruucda caalamiga ah.
Ciidamada Israel oo tan iyo bilowgii bishan hawlgal ka wada waqooyiga Marinka Gaza ayaa xiray marinada bani’aadantinimo, sida ay sheegeen Hay’adaha Qaramada Midoobey.