Ingiriiska: Iran waa in aysan ka jawaabin duqaymaha Israa’iil
Iran waa inaysan ka jawaabin duqeymaha Israel, sidaas waxaa yiri Keir Starmer, ra’iisul wasaaraha Ingiriiska.
Raโiisul Wasaaraha oo shir jaraaโid ku qabtay Samoa ayaa yiri: โWaxaan cadeynayaa in Israaโiil ay xaq u leedahay in ay iska difaacdo gardarrada Iiraan, waxaana si si la mid ah u cadeynayaa in aan u baahannahay in aan ka fogaano colaad kale oo gobolka ka dhacda, waxaana ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada in ay is-xakameeyaan.
“Iran ma aha in ay ka jawaabto, waan sii wadi doonaa in aan la shaqayno xulafada si loo dejiyo xaaladda gobolka oo dhan.”




