Booliska Pakistan oo ka hadlay saraakiil lagu dilay dalkaasi

Ilo-wareedyo ka tirsan Booliiska Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan toban sarkaal la dilay ka dib markii koox dabley ah ay soo weerareen fariisin ay ku sugnaayeen habeen hore, halkaas oo ay ku dileen xubno ka tirsan ciidamada ilaalada xuduudaha.

Kooxda Taalibaan ee dalka Pakistan ayaa sheegatay masโ€™uuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay inay ugu aargudayaan dilka hoggaamiye sare oo ciidamada Pakistan ay ku dileen howlgal Khamiistii dhacay.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Dera Islmail Khan, oo qiyaastii todobaatan kiiloomitir u jirta xudduudda Afgaanistaan.

Pakistan ayaa waxaa ku soo badanaya labada waqooyi-galbeed ee dalkaasi weerarada ay wadaan Talibanka Pakistan iyo koonfurta oo ay ka wadaan kooxaha gooni u goosadka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker