Xisbullah oo iyana dhankeeda soo saartay warsaxaafadeed lagu xusayo weerarkii 7-dii Oktoobar
Xisbullah ayaa warsaxaafadeed cusub soo saareen iyaga oo ku xusaya sannad guuradii weerarkii Hamas ee 7-dii Oktoobar, ay ku sheegeen in ay ku kalsoon yihiin awooddooda oo ay “iska caabbinayaan [weerarka Israa’iil],” waxayna ballan qaadaeen inay dagaalka sii wadi doonaan.
Kooxda hubeysan ee ka howlgasha Lubnaan ayaa xulufo la ah Hamas, labadana waxaa taageera oo maalgelisa Iran.
Hezbollah waxay ku tilmaantay dhacdooyinkii 7-dii Oktoobar inay ahaayeen “geesinnimo” iyaga oo sheegay inay maalintaasi ku yeelan doonto “saameyn taariikhi ah” gobolka.
Waxay sida oo kale sheegeen in “meeli aysan u bannaaneyn” Israa’iil, oo “loo baahan yahay in meesha laga saaro, iyadoon loo eegin wakhtiga ay qaadan doonto.”
Hezbollah ayaa sidoo kale ku eedaysay “Mareykanka iyo xulafadiisa” dagaallada ka dhacay Gaza iyo Lubnaan ee ka dambeeyay weerarkii Hamas ee 7-dii Oktoobar, iyagoo sheegay inay “mas’uuliyadda buuxda ee weerarradaa qaadanayaan.”