Waa kuma Soomaaliga ka mid noqday isbahaysiga ka dhanka Abiy Axmed?
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in isbahaysiga ka dhanka ah ee looga dhawaaqay caasimadda Maraykanka aanu haysan taageerada shacabka, isla markaana uu yahay mid siyaasad ahaan liita.
Sagaal urur ayaa Washington uga dhawaaqay olole xukunka xoog looga tuurayo ra’iisal wasaare Abiy Axmed. Waxaa isbahaysigaasi ka mid ah urur aan horay loo aqoon oo magaciisa lagu sheegay Somali State Resistance, uuna hogaamiyo Maxamuud Ugaas Muxumed.
Maxamuud Ugaas oo hadda ku sugan Washington, waxa uu sheegay in ujeedka loo asaasay ololihiisa uu yahay in “qofkasta uu helo xuquuqdiisa madaxbanaanida oo sidaa lagu wada joogo ama lagu kala tago.”
Waxa uu yidhi dhammaan ururada isbahaysigan waxay ka mideysan yihiin hadafka ah in lagu wada noolaado Itoobiya loo dhanyahay ama in lakala tago.
“Waa sagaal qowmiyadood waana sagaalkii awal dagaalami jirtay oo dhargiga la dagaalantay tan Abiy Axmed-na ka hor timid oo doorashooyinka aan gelin marka waxa aan ku dhawaaqnay waa in la badbaadiyo dowladda shacabka oo laga hortago inuu dhaco dagaal sokeeye,” ayuu yidhi Maxamuud.
Isbahaysigan, oo lagu magacaabo United Front of Ethiopian Federalist and Confederalist Forces, waxaa sidoo kale ka mid ah TPLF, oo dowladda Abiy la dagaallameysa muddo sanad ah, dagaalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof halka in ka badan labo milyan oo kalena ay guryahooda ka qaxeen.
Balse xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay inay ka guuleysan doonto ayna sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxda mucaaradka ah ee Tigrey.
Maxamuud waxa uu sheegay in Abiy ay dan ugu jirto inuu wadahadal la galo shacabka gadoodsan ee matalayo isbahaysiga sababtoo ah, “waxa uu garabsaday Amxaaro oo 20 milyan ah marka boqolka milyan ee kale ee Itoobiya ayaa ku mideysan barnaamijkaan.”
“Wadahadalkan ka dib waa inuu si qabow oo nabad-gelyo ah kaga baxo waddanka ama xukunka dhiibo ama xataa dowlad ku meel gaar ah dhiso oo uu yirahdo doorashooyin hala galo oo hala heshiiyo , hadduu sameyn waayana dagaalka Addis Ababa ku wareegeysan yahay hadda dhulka inta kale oo dhan waa la qabtay caasimaddana waa la qabanayaa.”
Maxamuud xidhiidhka la sheegay inuu la leeyahay ONLF, waxa uuna ku jawaabay ONLF waxay xidhiidh la leedahay cidkasta oo Soomaali ah oo halganta.
Maxamuud oo sidoo ka jawaabay su’aal ay warbaahinta weydiisay oo ahayd in uu ciidamo haysto isaga maaddaamaa ururada kale ee Isbahaysiga ku jira ay haystaan ciidamo oo qaarkood ay haatan dagaal kula jiraan xukuumadda Itoobiya ayaa sheegay in hawshan aysan ciidan keliya u baahnayn oo ay u baahantahay “caqli, farsamo, aqoon, garaad iyo istaraatijiyad haddii loo baahdana waxaa joogta 10 malayan oo Soomaali ah oo haysta hal malyan oo qori oo u baahan in abaabulo oo keliya.”
Mabda’iisa TPLF
“TPLF hadda waa waaya arag, dhibaato badan dadka waa ay u soo geysatay, kufsi, dhac iyo dilba wax inooga hiilinaya oo ka hadlayana ma aysan jirin, intii yarayd ee hadda lagu duulay, gabdhahoodii la kufsady oo iskuulada la gubay, adduunka oo dhan ayaa dhawaaqaya laakin hadda TPLF Cadawganaga ayay cadaw u tahay awalba 70 sannadood waxa na haystay Amxaara ayay ahayd, 30 sannadoodna waxaa ina haystay TPLF marka isuma ayna kaaya roonayn.”
“TPLF dastuurka ay sameysay qodobka 39 bay ku dartay oo aan horay ugu jirin, xuduudka aynu Soomaali la leenahay ee ilaa canfar, ilaa Mooyaale ilaa Jabuuti, ma aqoonsano amxaara inaan xuduudkaas leenahay marka haddi ay isku keen qabato TPLF iyo amxaaro waxaan aadeeynaa dhanka TPLF oo qeybteena ayay inoo ogol yihiin, iyagana kamaba baryeyne waa waxaan kula midownay inaan xaqeena helno.”
Maxamuud waxa uu ku dhashay gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Waxa uu macallin ka ahaan jiray Lafoole ka hor inta aysan dowladdii Soomaaliya burburin.
Markii uu Kanada tagayna waxaa sii ahaa macallin. Waxa uu la soo shaqeeyay dowladdii ugu horreysay ee laga dhiso degaanka Soomaalida.
Waxa sidoo kale sii watay waxbarashadiisa ilaa shahaadada PHD.
Waxa uu Dowlad Deegaanka ka soo noqday wasiirka qorsheynta isagoo la soo shaqeeyay 3 madaweyne.
Maxamuud waxa uu muddo shan sannadood la soo shaqeeyay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP. Hadda waa aqoonyahan madax-bannaan oo cilmi baare ah.