Xildhibaan Dable oo Cadeeyay Cida uu dhisaayo Doorashada
Xildhibaan Dable oo Cadeeyay Cida uu dhisaayo akhriso qoraalkan uu qoray;
Ujeedo: caddayn mawqifkayga siyaasiga ah ee doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka JSL ka qabsonto november, 13, 2024
Anigoo ah Xildhibaan Mohamed Ibrahim Ismaaciil (Dable) waxaan halkan ku caddaynayaa mawqifkayga siyaasiga ah ee la xidhiidha tartanka doorashada madaxtooyada ee inagu soo fool leh.
Mawqifkayga siyaasiga ah waxaan ku sababaynayaa arrimaha soo socda:
1. ka dib markii aan garwaaqsaday in ay lagama maarmaan tahay in uu dalkeena ka dhaco isbedel siyaasi ah oo xagga hoggaaminta dalka ka dib 14 sano oo uu talada dalka hayay kulmiye;
2. ka dib markii aan arkay siday ummadeena u saameeyeen murannada iyo is-maandhaafkii siyaasadeed ee sannadihii u dambeeyey u dhexeeyey mucaaridka iyo xukuumadda taasina ay abuurtay kala qaybsanaan bulsho dhexdeeda ah iyo muhimada ay qaranka JSL u leedahay in ummadeena la mideeyo, si ay cadawgooda meel ugaga soo wada jeestaan;
3. marka la eego duruufaha dhaqaale ee adag iyo sicir-bararka naafeeyey inta badan bulshada Reer Somaliland iyo burburka dhaqaale ee dalka ku habsaday 7-dii
sano ee ugu dambeeyey iyadoo masuuliyadaas cidii lahayd ay gabtay.
4. ka dib markii aan si dhab ah ugu qancay in Murashaxa Xisbiga Waddani (C/raxmaan Mohamed cabdilaahi Cirro) uu yahay masuuul hayiin ah, dulqaad badan, dad-isku-wad leh, aqoon durugsan iyo waayo-aragnimo u leh maamulka dawliga ah, nin talada qaata oo leh tudhaale, lexejeclo iyo diir-nax ummadnimo oo si dhab ah u midayn kara bulshada Somaliland;
Sidaas darteed, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay, 15.09.2024 waxaan si rasmi ah taageeradayda iyo taladaydaba si buuxda isula garabtaagayaa (hiil iyo hooba) Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Wadani Mudane C/raxmaan Mohamed Cabdillaahi (Cirro).
Ugu dambayntii, dhammaan taageerayaashayda iyo bulshada ku nool degaanadii la iga soo doortay iyo guud ahaan bahda isbedel doonka ah waxaan ugu baaqayaa in ay codkooda siiyaan Murashaxa Xisbiga Waddani ee (C/ramaan Mohamed Cabdilaahi Cirro), maadaama uu yahay ASTAANTA iyo HALBEEGA U TAAGAN ISBEDELKA uu maanta dalkeenu u baahan yahay bulshaduna mudada dheer sugaysay.
Isbedelkaasi Anigaa U Baahan, Adigaa U Baahan, Dadka Oo Dhan Ayaa U Baahan, Dalkeenaa U Baahan, Dhamaanteen Ayaa U Baahan
Allaa mahad iska leh,
Mohamed Ibrahim Ismail (Dable),
Xildhibaan Golaha Degaanka Berbera




