Maxkamadda Ciidamada Milateriga Somaliland Oo Xukun Ku Riday Askari Dil Geystay
Maxkamadda Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa xukun ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Milateriga Somailand oo lagu eedeeyay inuu horey si badheedh ah dil ugu geystay qof shacab ah.
Askariga ayaa waxaa la sheegay inuu qof shacab ah oo ahaa Macalin Iskuul uu ku dilay Magaalada Gabiley , isla markaana falkaas kadib ay soo qabteen Ciidanka Booliska oo xidhay.
Maxkamadda Ciidamada Milateriga ayaa waxaa la horgeeyay cadeymo la xidhiidha kiiska lagu helay Askariga, iyadoona la tilmaamay in qoyska Ninka laga dilay ay dalbadeen in sharciga la marsiiyo Askariga.
Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Milateriga Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Askariga dilay Ninka oo kamid ahaa Macallimiinta dugsiyada Magaalada Gabiley .




