Cristiano Ronaldo Oo Xaalad Quus Ah Ka Istaagi Doona Lionel Messi Haddii Kabtanka Barcelona Uu Ku Guuleysto Sagaalkan Abaalmarinood Ee Cajiibka Ah
Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markale qaadanaya xilli ciyaareed weyn oo uu doonayo inuu kooxdiisa ku hoggaamiyo saddexleyda koobabka ah ee La Liga, Copa Del Rey iyo Champions League markoodii saddexaad taariikhda.
Waxaanu halkan idiinku soo muujin doonaa xog ku saabsan sagaal abaalmarinood oo kuwo shaqsiyeed iyo kuwo wadareedba ah oo uu xilli ciyaareedkan maanka ku hayo Messi isla markaana uu doonayo inuu badhkood ku garaaco Cristiano Ronaldo oo ay si toos ah u loolamaan.
Aan ku bilawnee Barcelona ayaa haatanba ku guuleysatay horyaalka La Liga waxaana uu sidoo kale hoggaaminayaa gool dhalinta horyaalka ee lagu helo abaalmarinta Pachichi iyo mida qaarada Yurub ee lagu qaato kabta dahabka ah.
Dhinaca kale Barcelona ayaa joogta Final-ka Copa Del Rey oo ay kula balansan yihiin kooxda Valencia waxaana ay sidoo kale hal lug kula jiraanFinal-ka Champions League oo ay kulankii koowaad ee afar dhammaadka 3-0 ku xaaqeen Liverpool.
Intaa waxa dheer in Messi uu si cad ugu guuleysan doono Ballon d’Or iyo abaalmarinta kale ee The Best haddiiba uu saddexleyda goolasha ah la hanto Blaugrana.
Sidoo kale Messi Ayaan kaliya hoggaaminayn gool dhalinta horyaalka La Liga ee Pachichi balse waxa uu sidoo kale hoggaanka u hayaan gool dhalinta Champions League ee xilli ciyaareedkan.
Si kooban oo guud ahaaneed, Messi ayaa ku hamminaya ku guuleysiga La Liga, Champions League, Copa Del Rey, Ballon d’Or, THE BEST, Golden Shoe, Gool dhaliyaha ugu sarreeya La Liga (Horyaalada Yurub) iyo gool dhaliyaha ugu sarreeya Champions League.
Siddeedaas abaalmarinood ayay dheertahay mida heer qaran ee xulka Argentina uu kusoo kasban karo haddiiba uu ka saaro abaarta koobabka oo uu kula soo guuleysto Copa America xilli ciyaareedkan dhammaadkiisa.