Donald Trump iyo Kamala Harris oo yeeshay dood kulul

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo Dimoqraadi ah, iyo Madaxweynihii hore Donald Trump oo Jamhuuri ah, ayaa habeenkii Talaadada yeeshay dood adag oo muhiim u ah ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 5-ta November.

Labada musharax ayaan waligood kulmin ama xitaa taleefan kuma wada hadlin, laakiin waxay xalay isaga horyimaadeen ayaga oo masaafo yar isku jira Xarunta Dastuurka Qaranka ee Philadelphia.

Trump iyo Harris ayaa isku weeraray arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, socdaalka, amniga, siyaasadda arrimaha dibedda iyo in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale.

Trump ayaa ku eedeeyey maamulka madaxweyne Biden ee Harris ay madaxweyne ku-xigeenka ka tahay inuu sabab u yahay sicir-bararka ka jira dalka.

โ€œSicir barar ma jirin xilligayga. wax sicir barar ah ma jirin. Sicir-bararkii ugu sarreeyay ayay keeneyn, malaha taariikhda waddankeenna, waayo weligay ma arag waqti ka xun. Dadku ma bixi karaan oo iibsan karaan cereal, ama hilib, ama ukun ama wax kale,โ€ ayuu yiri Trump.

Hase yeeshee Harris ayaa sheegtay in Trump uusan lahayn wax qorshe dhaqaale ah.

โ€œDonald Trump wax qorshe ah idin ma hayo. Marka aad eegto qorshihiisa dhaqaalena, waa canshuur dhaaf loo sameeyo maal-qabeenada oo kaliya,โ€ ayey tiri.

Marka ay noqoto in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale, Harris ayaa tiri โ€œQofna ma ahan in uu ka tago caqiidadiisa ama waxa uu aaminsan yahay si uu wax u ogolaado. Dowladda iyo Donald Trump waa in aysan haweeney u sheegin waxa ay jirkeeda ku sameyneyso.โ€

Balse Trumo ayaa sheegay inuu taageersan yahay in arrintaas ay goโ€™aan ka gaaran gobollada, oo aanay goโ€™aamin dowladda federaalka.

โ€œMuddo 52 sano ah waxay isku dayayeen inay Roe V Wade u dhaafaan Gobolada, iyada oo loo marayo garaadka iyo awoodda lix garsoore oo Maxkamadda Sare ah, waanu awoodnay inaan taas samayno. Hadda waxaan aaminsanahay waxa ka reeban kufsiga, iyo nolosha hooyada. Waxaan awoodnay inaan gayno gobollada, wayna u codaynayaan, markuu ugu horraysay baad arkaysaa, waa arrin 52 sano dalkeenii kala qeybisay,โ€ ayuu yiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker