Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay arday ku dhimatay dab ka kacay iskuul ay dhiganayeen
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa tacsi u diray shacabka Kenya gaarahaan ehelada 17 araday oo ku geeriyooday dab qabsaday iskuul ay dhiganayeen oo ku yaalla ismaamulka Nyeri.
Waxa uu sheegay in ay dowladdu garab taagantahay qoysaska dhibaatadu soo gaartay.




