Aasaasaha ahna madaxa Telegram, Pavel Durov oo la amray in uusan ka bixi karin Faransiiska
Aasaasaha iyo madaxa Telegram, Pavel Durov, ayaa baadhitaan rasmi ah lagu sameynayaa isaga oo ku sugan gudaha dalka Faransiiska, baadhitaanka ayaana ku saabsan dembiyada abaabulan ee la xiriira barnaamijka farriimaha, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha Paris.
Mr. Durov oo 39 jir ah ayaa la geliyey korjoogteyn garsoor oo sharci ah, wuxuuna bixinayaa lacag damaanad ah oo gaaraysa €5 milyan (£4.2 milyan; $5.6 milyan).
Bilyaneerkan ku dhashay Ruushka, oo sidoo kalena ah muwaadinka Faransiis ah, waxaa laga rabaa in uu toddobaadkiiba labo jeer iska xaadiriyo saldhig boolis oo Faransiis ah, waxaana laga mamnuucay inuu ka baxo dhulka Faransiiska.
Mr. Durov ayaa markii ugu horreysay la xidhay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Le Bourget oo waqooyiga Paris ku yaalla Sabtidii la soo dhaafay iyadoo la raacayo amar qabasho oo la xiriira dembiyo ku saabsan barnaamijka.
War-saxaafadeedkii Arbacadii soo baxay, xeer-ilaaliyeyaasha Paris waxay sheegeen in Mr. Durov baaritaan rasmi ah loogu sameynaayo eedeymo ay ka mid yihiin:
- Ka qeybgalka maamulidda madal online ah oo u fududeyneysa koox abaabulan inay sameeyaan wax kala iibsasho sharci-darro ah.
- Diidmada la xiriiridda hay’adaha dowliga ah.
- Ka qeybgalka qeybinta dembiyada abaabulan ee sawirrada galmada ee carruurta.




