Maxaa ka jira Labada Xubnoo ee Guddoomiyaha Guurtidu u Gudbiyay Madaxwayne Biixi si ay uga mid Noqdaan Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

Hargeysa(OWN)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweyne Biixi u gudbiyay labada xubnood ee golaha guurtida u meteli doona guddiga cusub ee doorashooyinka.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddoomiye Saleban uu Madaxweynaha u gudbiyay labadaas xubnood oo magacyadoodu kala yihiin:

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood)
  2. Foosi Hiraab Gale

Labadan xubnood, ayaa noqonaya xubnaha u horeeya ee guddiga cusub ee doorashada, waxaana la filayaa inay labada xisbi mucaarad iyaguna maalmahan gudbiyaan labadooda xubnood, Madaxweyne Biixi ayaa isna la sheegay inuu diyaariyay saddexda xubnood ee uu soo xulayo, waxaanu u gudbin doonaa golaha wakiilada oo iyaguna codka kalsoonida u qaadi doona.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker