Qaraxyo ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye oo dhimasho iyo dhaawac sababay

Ku dhowaad lix askari ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qaarxyo kala duwan oo ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye.

Laba qarax oo waaweyn ayaa saaka laga maqlay duleekda magaalada Muqdisho, kadib markii walxaha qarxa laga soo buuxiyay gawaari.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu raray oo uu kaxeynayay nin doonayay inuu isku qarxiyo bar kantotool oo ay joogeen ciidamada amaanka oo ku taala waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo afgooye gaar ahaan agagaarka degmada Garasbaaley.

Lix askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Qarax kale oo isna la sheegay inuu ahaa gaari nooca raaxada ah oo walxaha qarxa lagu soo raray ayaa la sheegay in ciidamada amaanka ay hor istaageen gudaha xaafadaha ku teedsan waddada Muqdisho iyo Afgooye u dhaxaysa.

Waxaa qaraxaasi waxyeelo ka soo gaaray guryihii halkaas ka ag dhawaa, balse lama soo sheegin khasaare dad soo gaaray.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker