Shaqaale bangi oo loogu hanjabay afduub iyo agaasimahoodii oo la afduubtay

Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa sheegaya in bangiga dhexe uu dib u bilaabay shaqadiisa kadib markii la sii daayay shaqaale sare oo la afduubay Axadii.

Horay bangigu waxa uu sheegay in uu shaqada joojin doono ilaa laga soo daayo agaasimaha tignoolajiyada macluumaadka Muscab Msalem.

Waxa ay sheegtay in koox aan la aqoonsan ay ka kaxeysteen gurigiisa iyo in shaqaale kale loogu hanjabay afduub.

Bangiga, oo ay leedahay dawladda Liibiya, ayaa ah kaydka kaliya ee caalamku aqoonsan yahay ee lagu kaydiyo dakhliga saliidda ee Liibiya.

Dakhligeedu waxa uu muhiim u yahay waddan ay ku kala dhex jiraan labada dawladood ee isku haya Tripoli iyo Benghazi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker