𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 Cabdirashiid oo 𝐛𝐞𝐞𝐧𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐢𝐧uu 𝐤𝐮𝐫𝐬𝐢𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 Golaha Guurtida uu ka iibiyey oo 𝐮𝐮 ku wareejiyey 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐒𝐢𝐜𝐢𝐢𝐝 𝐒𝐮𝐥𝐮𝐛
Xildhibaan Cabdirashiid Sheekh Cabdillaahi Aadan, oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland, ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu xilkiisii xildhibaanimo ku wareejiyay Wasiir Siciid Sulub.
Xildhibaankan oo sheegay inuu guurtida ka tirsanaa muddo ka badan 20 sano ayaa sheegay in kurisgiisa lagu soo duulay, warqadaasi la wareejinayaana aanay isaga ka soo bixin, sharcigana uu la tiigsanayo ciddi ka danbaysay faafinta warkaasi been abuurka ah.
Gaba-gabadii waxa uu Xildhibaan Cabdirashiid sheegay inuu weli yahay Xildhibaan guurtida ah oo aanu cidna ku wareejin jagadiisii, isla markaana aanay is aqoonin wasiirka, waxaanu xusay in lagu soo duulay.




