Madaxwaynihii Hore ee Dalka Suudaan Kornayl Cumar Xasan Albashiir oo Maxkamad Lasoo Taagay

Madaxweynihii xukunka lagu tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir, oo dalka xukumayay muddo 30 sano ah, ayaa maanta kasoo hormuuqday maxkamad ku taalla magaalada Khartoum, isaga oo wajahaya dacwado musuq-maasuq.

Al-Bashiir, oo 75 jir ah, ayaa si qasab ah xukunka looga tuuray 11-kii April, kadib bilo ay socdeen dibad-baxyo ka dhan ah taliskiisa.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa ku war geliyey Al-Bashiir inuu wajahayo dacwado la xidhiidha โ€œhaysashada lacag qalaad, musuq-maasuq iyo haddiyado uu si sharci darro ah ku qaatay.โ€

Bishii April, hoggaamiyaha militariga ah ee hadda xukuma Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in, in ka badan 113 milyan oo dollar oo ah kaash, ka kooban saddex lacago qalaad ah, laga helay guriga Al-Bashiir.

Bishii May, dacwad oogaha guud ayaa sidoo kale sheegay in Al-Bashiir lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka dad shacab ah, intii ay socdeen dibad-baxyada ka dhanka ah maamulkiisa, ee ugu dambeyn hoggaamiyey in xukunka lagu tuuro.

Dibad-baxyada ka dhanka ah Al-Bashiir ayaa billowday 19-kii December, kadib markii dowladdiisa ay saddex jibaartay qiimaha lagu iibsado rootiga.

Maxkamadeynta Al-Bashiir ayaa tijaabo u noqon doonta, sida ay masโ€™uuliyiinta Sudan daacad uga yihiin inay tiraan xusuusta 30-kii sanao ee xukunkiisa, oo ay maareeyeen rabshado baahsan, burbur dhaqaale iyo goโ€™itaankii Koonfur Sudan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker