Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ku Dhintay Biyo Fadhiisin Loo Sameeyay Dooxa Hargeysa
Wiil 17 jir ahaa, ayaa ku dhintay biyo fadhiisin Dowlada Hoose ee Hargaysa u samaysay Biriijka 1-aad ee Hargeysa, kadib markii uu doonay in uu ku dabaasho.
Goob’jooge, ayaa warbaahinta u sheegay in wiilka dhintay iyo asxaabtiisu ay biyo fadhiisinkan ku yimaadeen si ay ugu dabaashaan, kadibna uu ku dhacay god ku yaala biyaha dhexdeeda, sidaana uu ku dhintay.
Waxaanu yidhi.”1:00 duhurnimo ayuu yimid inabo badan ayaa la socday, inamo badan ayaa la socday, markii hore qaar meesha joogay ayuu barayay dabaasha, siduu u dabaalanayay uun buu hoos u dhacay, ciidanka ayaa kasoo saaray oo mid ayaa yidhi wuu dhintay inanku”
Sidoo kale, goobjooge kale ayaa sheegay in wiilka dhintay uu ahaa ciyaal iskuul wax ka baran jiray mid kamid ah dugsiyada Hargeysa waxaanu yidhi.”Isku iskuul ayaanu ahayn kayar oo 17 jir ayuu ahaa, markaa xaafadoodi ayaa u timid oo ambalaas (dhooli) ayaa lagu qaaday oo dhakhtarka ayaa la geeyay”.
Biyo fadhiisinka ayay Dowlada Hoose ee Hargeysa ka samaysay, xagga hoose ee dhanka bari ee Biriijka 1-aad ee magaalada Hargeysa, si biyaha maraya dooxu aanay u qodin tiirarka biriijka.