Xoghayaha Arrimaha Gudaha UK oo ka hadashay weerarrada lagu qaaday misaajidda
Xoghayaha Arrimaha Gudaha UK, Yvette Cooper, oo la hadashay BBC ayaa tiri:
Waxaa dadka ka soo jeeda Muslimiinta iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay laga yaabo inay ka walwalaan ammaankooda sababo la xiriira rabshadaha, taas oo ay sheegtay in beegsiga masaajidda uu ahaa “runtii mid naxdin leh”.
Aflagaado Islaam nacayb ah ayaa laga maqlayay rabshadihii Sabtidii iyo Axaddii, waxaana la sheegay in la bartilmaameedsaday masaajidda iyo hoteello ay deganaayeen muhaajiriinta.
Tirada dadka loo xiray rabshadaha ka dhanka ah socdaalka ee ka socda guud ahaan England iyo Waqooyiga Ireland ayaa gaartay ugu yaraan laba boqol iyo konton. Rabshadaha ayaa ka dhashay dil toddobaad ka hor loo geystay saddex gabdhood oo dhallinyaro ah.
Xog si khaldan loogu baahiyey internetka ayaa dhalisay rabshadaha ka dib markii dilkaas loo tiriyey inay gaysteen dad soogalooti ah taas oo sii hurisay carada sii fiday