Suuqa saamiyada ee Taiwan ayaa wajahaaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo 1967-kii.

 

Suuqyada saamiyada Taiwan waxay la kulmeen hoos u dhacii ugu weynaa abid. Taiex Index ayaa hoos u dhacay 1,807.21 dhibcood, ama 8.35%.

Hoos u dhacan aan hore loo arag waxaa sababay qalalaasaha ka jira suuqyada caalamiga ah iyo hoos u dhaca suuqyada Mareykanka. Khasaare weyn ayaa ka muuqday qeybta elektarooniga, gaar ahaan Taiwan Semiconductor Manufacturing Co. (TSMC), oo khasaartay 9.75%.

Hoos u dhacan ba’an ee gaadhay suuqa saamiyada Taiwan waxa ay saameyn ku yeelatay qeybo kala duwan, oo ay ku jiraan shirkadaha dhismaha iyo maaliyadda, waxaana sii kordhiyay oo uga sii daray xaalada xiisadaha gobolka iyo walwalka suurtagalnimada hoos u dhaca dhaqaale ee Mareykanku wajahaayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker