Hay’adda dhawrista Tayada oo Gubtay Raashin Dhacay
Hay’adda dhawrista Tayada ayaa Gobolka Saaxil ka fulisay hawlgalo la xidhiidha badqabka Tayada cuntooyinka.
Waxa ay kasoo ururiyeen Hangarada raashinka lagu kaydiyo Raashin iyo cabitaano xumaaday oo tiro badan,
Rashiinkaa iyo cabitaankaa ayaa Hay’adda dhawirstu gubtay.
Isuduwaha Hay’adda dhawrista tayada gobolka Saaxil Maxamed cali Suudi ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay iska ilaaliyaan cuntooyinka xumaaday iyo kuwa wakhtigoodu dhacayba,
talaabooyinkaa cidii u hogaansami weydana ay sharciga la tiigsan doona.