Mudaharaadayaal lagu toogtay dalka Nigeria
Dhowr qof ayaa lagu toogtay magaalada Kano ee waqooyiga Nigeria, xilli ay ka socdeen dibadbaxyo ka dhashay qiimaha maciishadda oo sare u kacay.
Magaalada caasimadda ah ee Abuja, ciidamada ammaanka ayaa u adeegsaday bannaan-baxayaasha sunta dadka ka ilmeysiisa, waxayna rasaas ay hawada u rideen ku kala eryeen dadkii isku soo baxay.


