Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay qoysas ku barakacay dagaalladii ka dhacay Mudug

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka Mudug ay ka dhasheen barakac baahsan iyo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac afartii bilood ee la soo dhaafay.

UNHCR ayaa warbixinta ay soo saartay ku diiwaan gelisay burburka ballaaran ee soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha iyo carqaladeynta nolol maalmeedka dadka deggan deegaannadaas. Sida laga soo xigtay Masuuliyiinta deeganakaas , dagaalka ayaa sababay barakaca 970 qoys iyo in ka badan 5,820 qof.

Wararka ugu danbeeyya ee deeganadaas ka imaanaya waxa ay shegeen in odoyaasha dhaqanka oo kaashanaya maamulada Galmudug iyo Puntland ay ku guuleeysteen in xabad joojin la kala dhex dhigo maleeshiyaad beeleedkii dagaallamay, lana kala qaaday labadi ciidan ee dagaallamayey, iyadoo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala yimid labada maamul ee Galmudug iyo Puntland la kala dhex dhigay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker