Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxayaasha ku ballansaday X Spaces

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa lagu wadaa inuu kulan barta internet-ka oo taariikhi ah dibadbaxayaasha kula yeesho baraha bulshada ee X Spaces, si uu wada-hadal ula yeesho.

Gabadhiisa Charlene Ruto oo 31 jir ah ayaa ku tilmaantay “madaxweynihii ugu horreeyay adduunka ee kulan internet-ka kula yeesho dhammaan Gen Z”.

Waa eray-bixin loo adeegsado da’yarta ka dambeysa dibadbaxyada ruxay oo saameeyay madaxtinnimada aabbaheed.

Dibadbaxayaasha ka soo horjeeda hindise-sharciyeedkiisa maaliyadda ayaa isku abaabulay X Spaces, oo ah bar dadka adeegsada u oggolaaneysa inay wada sheekeysi maqal oo toos ah la yeeshaan dadka kale ee ku jira bartan hore loo oran jiray Twitter.

Qaar ka mid ah dadka Kenyaanka ah ee isticmaala X ayaase wacad ku maray inaysan ka qeybgeli doonin kulanka madaxweynaha waxayna qorsheynayaan kulan dhinac ah oo looga hor imaanayo arrintaas.

Waxay ku doodayaan in Mr Ruto uu ka war qabo dalabaadkooda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker