Doorasha UK oo soo dhaw xilli aad moodo in xisbi mucaarad ahi gacanta sare leeyahay

Hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda ee Britain ayaa codsigoodii ugu dambeeyay u jeedinayay codbixiyayaasha xilli ay tahay maalinta ugu dambeysa ee ololaha doorashada guud.

Xisbiga mucaaradka ah ee Labour-ka ayaa aad uga horreeya ra’yi ururinta qiyaasta ee illaa hada la sameeyey kaddib lix toddobaad oo olole ah.

Raiisel wasaaraha, Rishi Sunak, ayaa marar badan ka digay in hogaamiyaha mucaaradka, Keir Starmer, uu helo aqlabiyadda baarlamaanka.

Xisbiga Labour-ka ayaa lumiyay afar doorasho oo xidhiidh ah, waxaana Sir Keir uu ku booriyay taageerayaasha inay hubiyaan inay codeeyaan Khamiista.

Suella Braverman oo ah xoghayihii hore ee xisbiga Conservative-ka, ayaa sheegtay in codbixiyayaasha joogtada ahaa ee xisbigu ay u weecanayaan xisbiga Reform UK iyo si gaar ah iyaga oo ugu xilanaya farriimaha ad adage e dhanka socdaalka.

Waxayna hadalkeeda sii raacisay in Xisbiga Consertive-ku ay isu diyaariyaan door mucaaradnimo ku dhawaad afar iyo toban sano oo ay dawladda dalkaas hoggaaminayeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker