Xiddigii hore ee Manchester United, Real Madrid, AC Milan, PSG, LA Galaxy iyo xulka qaranka England ee David Beckham ayaa shaaciyey laacibkii ugu fiicnaa ee uu ka garab ciyaaray muddadii dheerayd ee uu ku jiray kubadda cagta, isla markaana uu guulaha badan iyo garoomada badhanba usoo joogay.
45 jirkan ayaa ka mid ahaa jiilkii dahabiga Manchester United ee loo yaqaano ‘Class 92’, waxaanu waayihiisii ugu wanaagsanaa ku qaatay Odl Trafford, laakiin sannadkii 2003 ayay isku dhaceen tababare Sir Alex Ferguson oo gacan u qaaday, isla markaana wajiga dhaawac qodobbo la tolay ka gaadhsiiyey.
Real Madrid ayaa waqtigaas ku iibsatay £24.5 milyan oo Gini, waxaanu qayb ka noqday xiddigihii Florentino Perez uu ku ururiyey Santiago Bernabeu ee caanka ku ahaa magaca ‘Glactico’, waxaanu ka garab ciyaaray Zinedine Zidane, Ronaldo, Luis Figo, Raul, Figo, Roberto Carlos, Iker Casillas iyo xiddigo kale oo waqtigaas dunida maamulayay.
Muddadii uu joogay Santiago Bernabeu waxay ahaayeen kuwo uu garabkooda taagnaa xiddigii ugu wanaagsanaa ee uu ka garab ciyaaray, waxaanu si cad uga soo doortay mid ka mid ah laacibiintaas oo uu sheegay inuu ahaa mid caqli badan.
“Zidane ayaa ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee aan la ciyaaray. Waa nin caqli badan, inaan meel la joogaana farxad aad u badan ayay ii ahayd. Inuu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan waxa u raacda inuu leeyahay shaqsiyadda ugu fiican.” Ayuu yidhi David Beckham oo ka hadlayay xaflad shirkadda Adidas ay kusoo bandhigaysay dharkeeda.
Ka sokow hadalka uu ka sheegay munaasibaddan, David Beckham ayaa dhowaan dadka ku taxan bartiisa bulshada oo tiradoodu ka badan tahay 62.8 milyan, waxa uu la wadaagay inay nasiib u ahayd inuu Zinedine Zidane ka garab ciyaaray, waxaanu yidhi: “Aad iyo aad ayaan u nasiib badnaa inaan ciyaar kaga hor tegay Ziou, laakiin mid ka mid ah waqtiyadaydii ugu wanaagsanaa xirfaddaydu waxay ahayd inaanu isku koox ahayn oo aanu kusoo wada bilaabanay.”

Back to top button