“Xasan Sheekh Maxamuud wali ma fahmin, isfahanka Itoobiya iyo Somaliland” Maxamed Kaahin

Somaliland ayaa sheegtay in dalabka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo bandhigay Itoobiya aanu ahayn fikir ahaan wax suurtogeli kara.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya aanay lahayn deked u dhow Itoobiya oo ay heshiis kula gali karto Itoobiya.
“Xasan Sheekh Maxamuud wali ma fahmin, isfahanka Itoobiya iyo Somaliland kaliya kuma saabsana dekedo, lakiin halka ay dekedu ku taalo, iyo gaadhitaankeeda ayuu ku saabsanyahay, xataa hadii Itoobiya ay aqbasho dalabkiisa dekeda kali ah ee uu maamulo waa dekeda Muqdisho oo 1600KM u jirta Itoobiya” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker