Jabhada ONLF oo ka digtay ka faa’iidaysiga gaaska dabiiciga ah ee Deegaanka Soomaalida
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), gaar ahaan garabka mucaaradka ah ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud (Mahdi), ayaa digniin ka soo saartay hawlaha soo saarista gaaska dabiiciga ah ee deegaanka Soomaalida, iyadoo ku eedaysay dowladda Itoobiya inay bulshada deegaanka ka reebtay go’aannada iyo faa’iidada ka dhalata khayraadkooda dabiiciga ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay Arbacadda maanta, ayay ONLF ku sheegtay in hawlaha gaaska ee xarunta Kalub, deegaanka Jeedin, ay sababeen dhibaatooyin caafimaad oo soo gaadhay dadka deegaanka. Waxay sidoo kale sheegtay inaan la samayn daraasad qiimaynaysa saamaynta deegaanka, isla markaana dadka ay dhibaatooyinku soo gaadheen aanay helin magdhow iyo daryeel caafimaad oo ku filan.
Jabhaddu waxay intaa ku dartay in xarumaha gaaska aanay ka shaqayn shaqaale Soomaali ah oo ku filan, halka qandaraasyada waaweyn la siiyey shirkado iyo dhinacyo aan deegaanka ka soo jeedin. Waxay shirkadaha shisheeye uga digtay in maalgashigoodu halis geli karo haddii aan la tixgelin tabashooyinka bulshada deegaanka iyo xaaladda.
ONLF waxay sheegtay inaanay diiddanayn horumarinta shidaalka iyo gaaska, balse ay ku adkaysanayso in bulshada Deegaanka si buuxda uga qaybqaadato go’aannada khayraadka, isla markaana ay si toos ah uga faa’iidaysato. Waxay sidoo kale sheegtay in heshiisyada lala galayo shirkadaha shisheeye aanay noqon kuwo ka madax bannaan rabitaanka dadka deegaanka.
Hadaba ONLF ayaa u kala qaybsan tahay laba garab oo ku kala aragti duwan siyaasadda Itoobiya. Garabka mucaaradka ah ee bayaankan soo saaray ayaa aaminsan in heshiiskii nabadeed ee 2018 aanu wax ka qaban tabashooyinka aasaasiga ah ee bulshada Deegaanka, isla markaana dowladda Itoobiya aanay fulin ballanqaadyadii laga filayey heshiiskaas.
Dhinaca kale, garabka ONLF ee uu hoggaamiyo Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa ururka u beddelay xisbi siyaasadeed oo ka qaybqaata siyaasadda maamulka deegaanka Soomaalida. Garabkani wuxuu taageersan yahay in tabashooyinka lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan siyaasadeed, isaga oo ka duwan garabka mucaaradka ah ee dhaliila jihada uu maray heshiiskii nabadeed.
Dowladda Itoobiya iyo maamulka deegaanka Soomaalidu waxay mashaariicda shidaalka iyo gaaska ku tilmaameen kuwo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka. Hase yeeshee, dowladda federaalku hore ayay u beenisay eedaymo la xidhiidha wasakhowga deegaanka ee Kalub. ONLF ayaa bayaankeeda ku sheegtay in dadkeedu xaq u leeyihiin inay difaacaan khayraadkooda dabiiciga ah inta aan la xaqiijin xuquuqdooda siyaasadeed iyo mida dhaqaale.




