Dowladda Israa’iil oo ku kala qeyb santay tallaabo dadka reer Qasa waxtar u leh oo ay qaadeen milatariga Israa’iil

Milatariga Israa’iil ayaa maalin kale oggolaaday Xabad joojin ay ku tilmaameen ‘taatiko’ taas oo ay ka sameeyeen xaduudaha galbeed Gaza.

Tallaabadan ayay sheegeen inay tahay qorshe loogu talagalay in gargaarka bini’adantinimo gaaro dadka balse waxaa go’aankaasi cambaareeyay raysal wasaaraha Irsaa’iil Benjamin Netanyahu, iyo dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda midigta-fog.

Inkastoo ay taasi jirto hadana militariga ayaanan dhag jalaq u siinin oo weli sii wada qorshaha xabad joojinta maalin laha ah.

Xabad joojinta xaddidan ayaa loogu talagalay in loogu oggolaado baabuurta xamuulka ah inay ka qaataan gargaarka is-goysyada Kerem Shalom ee ay Israa’iil maamusho.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay weli walaac ka muujinayaan ammaanka. (Israa’iil waxay sheegtay in howlgallada militari ay ka sii socon doonaan Rafah iyo aagagga koonfurta Qaza ee ka fog waddada saadka ee loogu talagalay).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker