Xuutiyiinta oo gantaal la helay markab xamuul oo marayey Badda Cas

Badmaaxiin ayaa ayaa si xun ugu dhaawacmay ka dib markii markabka xamuul oo marayey gacanka Cadmeed ay xuutiyiinta Yemen ku dhufteen labo gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise, sida ay sheegeen militariga Maraykanka.

Badmaaxiinta dhaawaca ah ayaa loo duuliyay markab kale si loogu dabiibo, sida ay sheegeen Taliska Dhexe ee Mareykanka (CentCom).

Waxa ay intaa ku dareen in shaqaalaha markabka ay la halgamayeen dab ka kacay markabka MV Verbena – markab uu ka babanaayey calanka Palauan, lagana lahaa dalka Ukraine, oo laga maamulo dalka Poland.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CentCom) ayaa markii dambe sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay burburiyeen labo doonyood oo ay wateen Xuutiyiinta, hal markab oo aan cidina wadin iyo hal diyaarad oo ah nooca aan duuliye lahayn kuwaas oo marayay Badda Cas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker