Nin madax-xanuun joogto ah ka caban jiray iyo wixii maskaxdiisa lagu arkay

Dhakhaatiir u dhalatay dalka Maraykanka ayaa daaha ka qaaday in bukaan la ildarnaa xanuunka dhanjafka xooggan ee soo noqnoqda u uku sababay xanuunkan tirxi ama gooryaan ku dhex noolaa maskaxdiisa.

52-jirkan oo aan la shaacin magaciisa ayaa booqday dhaqtarkiisa Florida kadib markii madax xanuunka dhanjafka oo sidoo kale goonjab ama wareento loo yaqaan waxbana uu ka tari waayey kiniinka xanuun baabi’iyuhu.

Dhakhaatiirtu markii ay samaynayeen baadhista raajada madaxa, waxay ogaadeen in maskaxdiisa ay ku jiraan fiixyo badan oo, sida ay markii dambe ku xaqiijiyeen daraasado ka dambeeyay, dhab ahaantii ah dirxi dhogor leh oo ku nool maskaxdiisa kaas oo ku sababay caabuq loo yaqaan ‘neurocysticercosis’

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker