Maxamed kaahin oo ka hadalay Siyaasiyinta ka cadhooday Xisbigiisa

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in aan xisbi sheegan karin isbeddel, iyadoo nin garboodkiisu yahay kuwii ka duday KULMIYE.
Sidaasna waxa uu ku sheegay Wasiir Maxamed Kaahin qoraal uu caawa ku daabacay bartiisa X (Twitter)-ka. Waxaanay farriintiisu u qornayd sidan:-
“Xisbi siyaasadeed ma sheegan karo inuu yahay wakiil u taagan sbeddel, iyadoo inta badan xubnaha hormuudka iyo jileyaasha u ahi ay yihiin xubnihii ka duday xisbul-xaakimka KULMIYE.
Arrinkoodu ma la odhan karaa waa is- dhaqid, is-biyo raacis iyo dib u soo noolaynta shaqaale cabban oo ka dhacay sallaanka talada wakhti xaadirkan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker