Qiimeynta khasaaraha ka dhashay daadadkii El-Niño oo Muqdisho lagu soo bandhigayo

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shir lagu soo bandhigayo warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay daadadkii El-Niño ee sanadkii hore.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, tamarta, xanaanada xoolaha, qorsheynta, wasiiru dowlayasha waxbarashada, beeraha, iyo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, iyo sidoo kale kale safiirro, wakiillo ka socda Qaramada Midoobey, Bankiga Adduunka iyo Midowga Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker