Xubin sare oo ka tirsanaa Golaha Dagaalka Israa’iil oo is casilay

Wasiirkii Golaha Dagaalka Israa’iil Benny Gantz ayaa isaga tegay dowladda degdegga ah iyadoo ay tan muujineyso kala qeybsanaan baahsan oo ay sababeen qorsheyaasha kadib dagaalka Gaza ee Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Mar uu ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Talaabiib oo uu shalay kaga dhawaaqay is casilaaddiisa, ayaa Mr Gantz wuxuu ku sheegay in go’aankiisa uu gaaray uu ahaa mid aad ugu adag.

“Nasiib darro, Mr Netanyahu wuxuu naga hor istaagayaa gaaridda guusha dhabta ah, taasoo ah marmarsiyada xasaradda xanuunka badan ee socota,” ayuu yiri.

Gantz oo ay dadka qaar u arkaan mid loollan adag ugu jira awoodda Israa’iil, ayaa ugu baaqay Mr Netanyahu inuu muddo u qabto doorashada.

Mr Netanyahu ayaa ku jawaabay bartiisa X: “Benny, tani maaha waqtigii laga bixi lahaa lolaha, tani waa waqtigii lagu biiri lahaa ciidamada.”

Mr Gantz ayaa mucaarad siyaasadeed ku ah Mr Netanyahu wuxuuna hore uga tirsanaa Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker