Haweeney loo maleeyay in ay geeriyootay oo iyadoo nool laga loogu tagay qolka meydka

Haweeneyda oo ku dhimatay guriga waayeelka lagu daryeelo gobolka Nebraska ayaa la helay iyadoo nool sida ay sheegeen mas’uuliyiinta halkaas joogtay.

Constance Glantz waa 74 jir, waxaana la ogaaday in ay neefsaneyso labo saac kaddib markaas oo la siiyay kaalmo caafimaad.

Ms Glantz waxaa loo qaaday isbitaalka markaas kaddib ayey halkaas ku geeriyootay. Shalay abaarihii afartii galabnimo ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in ay geeriyootay

Boolisku waxay hadda baarayaan sida ay ku dhacday arrinta waxayna sheegeen in aysan jirin cadeymo ah in dambi la galay.

Ma ahan dhacdadan tii ugu horeysay oo qof loo qaatay in uu geeriyooday la ogaaday in uu nool yahay. Sanad ka hor dalka Ecuador, Bela Montoya oo ahaa nin 76 sano jiray ayaa la ogaaday in uu nool yahay markii la aasay kaddib. Ninkaas ayaa sii noolaa dhowr maalmood.

2018-kii haweenay u dhalatay Koonfur Afrika oo shil gaari ku dhimatay ayaa la ogaaday in ay nooshahay kaddib markii la geliyay qaboojiyaha meydka.

Khubarada caafimaadka ayaa ku taliyay in lala socda garaaca wadanaha iyo neefta qofka ugu yaraan hal daqiiqo ka hor inta aan la go’aamin geerida

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker