Shiinaha ayaa sheegay in ay xidheen lammaane ay sirdoonka UK qorteen

Shiinaha ayaa ku eedeeyay sirdoonka UK in ay qorteen lammaane Shiinees ah in ay u basaasaan. Waa tii ugu dambeysay eedeymaha u dhexeeya Shiinaha iyo reer galbeedka bilihii u dambeeyay.

Sida laga soo xigtay wasaaradda amniga Shiinaha labada qof waxay MI6 qoratay kaddib markii ay ka faa’ideysatay “baahi weyn” uu u qabay inuu helo lacag Mr Wing.

Eedahan ayaa soo baxay toddobaadyo kaddib markii UK ay ku eedeysay labo nin in ay Shiinaha u basaasayeen. Labada nin ayaa lagu eedeeyay in ay dal shisheeye siiyeen dukomentyo ama macluumaad. Shiinaha ayaa ku tilmaamay eedaha “Fadeexad xaasidnimo”.

Shiinaha kama hadal sida ay ku heleen kiiska Mr Wang iyo xaaskiisa balse waxay sheegeen in ay ku heleen oo kaliya baaris.

Shiinaha ayaa laga yaabaa in kiiskan ay si aargoosi ah bannaanka u soo dhigeen balse Beijing waxay sidoo kale hore basaasnimo ugu xireen kuwa kale sida uu sheegay Chong Ja-Ian oo ah aqoonyahan ka tirsan machadka Carnegie ee Shiinaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker