Dalka Mexico oo markii ugu horreysay ay Haweenay Madaxweyne ka noqon doonto

Xisbiga talada haya ee dalka Mexico ayaa sheegtay in doorashadi Axaddii shalay ka dhacday dalkaasi ay ku guuleysatay murashaxi iyaga matalayay oo ah haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum.

Xisbiga MORENA ayaa guushani sheegtay saacado yar kaddib marki lasoo xiray doorashada xalay fiidkii xilliga Mexico, iyaga oo sheegay in Claudia Sheinbaum ay codad aad u badan ku horreyso taasoo waddada u xaareysa in ay noqoto madaxweynihi u horreeyay oo dumar ah oo hogaamiyo Mexico.

Ra’yi ururin ay sameysay xarunta Parametria ayaa muujineysa in Sheinbaum ay doorashada ka heli doonto codad dhan 56%. Sida kaso muuqatay codadka ilaa iyo hadda la tiryay, murashaxa xisbiga mucaaridka Soojit Galvez ayaa heshay 30%.

Inkasta oo aanan wali la dhameystirin guud ahaan tirinta codadka, haddana Galvez ayaanan qiran in laga guuleystay, iyada oo u sheegay taageerayaasheeda in ay dulqaad yeeshaan ilaa looga dhawaaqayo natiijada rasmiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker