Daniel Hagari: Ciidanka Difaaca Israel waxay si buuxda ula wareegeen Philadelphi Corridor

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa xalay ku dhawaaqay in Ciidanka Difaaca Israel ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor.

Philadelphi Corridor ayaa ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar, iyadoona Ciidamada Israel ay maalmihii ugu dambeysay ka wadeen hawlgalo ay isugu fidinayaan waddadaasi.

Afhayeenka Militariga Israel ayaa sheegay in illaa 20 god oo Xamaas ay u adeegsan jirtay hubka ay ka soo geliyeen Marinka Gaza laga helay halkaasi.

“Marinkan wuxuu halbowle u ahaa Xamaas oo si joogto ah hubka uga soo gelin jirtay Marinka Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Hawlgalada ay ciidamadu ka wadeen waddadaasi ayaa suurtageliyay in la helo godadka dhulka hoostiisa mara ee laga helay halkaasi.”

Telefishinka Masar oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah, isla-markaana ay Israel isku dayeyso in ay qiil uga dhigto hawlgalkeeda militari ee ay ka waddo deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israel oo mar dambe hadlay ayaa sheegay inuusan hubin in dhammaan godadka la helay ay isu furan yihiin illaa Masar.

Qaahira ayaa horey uga digtay dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo Israel ay ka sameyso waddada 100-mitir ah, maadaama uu nidaamiyo heshiiskii nabadda ee ay la gashay Israel, sanadkii 1979-kii.

Waddada Philadelphi oo horey loogu aqoonsaday aag ka caagan militariga ayuu balaceedu yahay 100-mitir, kaas oo illaa 13km dhirirsan xuduudda Masar iyo Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa daba-yaaqadii bishii December sheegay in aagga xadka ee u dhaxeeya Masar iyo Gaza ay tahay in la hoos keeno Maamulka Israel.

Dowladda Masar ayaan wax falcelin ah ka bixin, markii Ciidamada Israel ay 7-dii bishan soo degayeen bariga Rafah, markaas oo ay dhinaca Masar ka soo go’doomiyeen Marinka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker