Koonfur Afrika oo maanta loo dhaqaaqay codeyn muhiim ah

Dadka Koonfur Afrika ayaa maanta codeynaya mid ka mid ah doorashooyinka guud ee ugu muhiimsan dalka ilaa dhammaadkii midabtakoorka.

Xisbiga talada haya ee ANC kaas oo wadanka ka xoreeyay cadaanka tirada yar xukunkooda ayey suuragal tahay in uu lumiyo aqlabiyadda baarlamaanka markii ugu horeysay.

Taageerayaasha xisbiga ayaa aad uga careysan musuqmaasuqa, dambiyada sii kordhaya iyo biyo iyo koronto yarida. Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo codkiisa ka dhiibanayay Soweto ayaa sheegay in aysan shaki ugu jirin in dadka ay tusinayaan kalsoonidooda ANC.

John Steenhuisen, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Isbahaysiga Dimuqraadiyadda ayaa ku tilmaamay codeynta in ay tahay fursadii ugu horeysay ee muddo soddon sano ah isbeddel lagu sameynayo.

Dad badan oo codeynayay ayaa qabowga arroortii hore ku dhiiraday in ay soo baxaan. Qaar ka mid ah dadweynahaas ayaa carro kaga tagay goobaha codeynta ee dalka kaddib markii la waayay magacooda.

“Magaceyga wuu aqrin waayay mashiinka. Markasta halkan ayaan ka codeeyaa balse maanta magaceyga halkan ma yaalo”’ ayuu yiri Nomvula Ziswana oo 53 jir ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker