Xuuthiyiinta oo maraakiib ganacsi ku weeraray Badweynta Hindiya iyo Badda Cas

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay siyaabooyin kala duwan maraakiib ganacsi iyo kuwo dagaal ugu weerareen Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

Ururka ayaa sheegay in illaa saddex markab oo kuwa ganacsiga ah ay ku weerareen Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, isla-markaana ay weeraradu u dhaceen, sidii ay qorsheeyeen.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta Yemen, Yahya Saree ayaa sheegay in laba ka mid ah maraakiibta ganacsiga ay ku weerareen Badweynta Hindiya, halka kan kalena ay ku bartilmaameedsadeen Badda Cas.

“Ciidamada Yemen waxay fuliyeen saddex weerar, oo ay ku qaadeen laba markab oo laga leeyahay Mareykanka iyo mid ay leedahay Sahyuuniyadda.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray in weerarada loo adeegsaday gantaalo iyo diyaaradaha drones-ka ee is qarxiya.

Afhayeenka ayaa yiri “Weerarka hore waxaa lagu bartilmaameedsaday markabka saliidda qaada ee LARGO DESERT, oo laga leeyahay dalka Mareykanka, kaas oo marayay Badweynta Hindiya. Midka labaad oo ah MSC MICHELA oo Sahyuuniyadda ay leedahay ayaa lagu weeraray Badweynta Hindiya. Markabkan waa mid qaada shixnadaha xamuulka ee kunteenarada. Midka saddexaad oo ah MINERVA LISA ayaa lagu weeraray Badda Cas, waana markab nooca saliidda ah oo laga leeyahay Mareykanka.”

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa intaasi ku daray in xoogagooda ay sidoo kale hawlgal gaar ah ka fuliyeen Badda Cas, isla-markaana ay garaaceen laba markab oo kuwa wax burburiya ah oo Mareykanka uu leeyahay.

“Dhammaan hawlgaladaasi oo lagu guuleystay ayaa laga gaaray hadafkii laga lahaa.” Ayuu yiri Afhayeenka, inkastoo uusan sheegin magacyada maraakiibta dagaalka ee ay beegsadeen.

Yahya Saree ayaa sheegay in weeraradooda ay jawaab u yihiin duulaanka Israel ee Marinka Gaza iyo duqaymaha Ciidamada Mareykanka & kuwa Ingiriiska ay ka gaysanayaan dhulka ay Xuuthiyiinta ka maamulaan dalka Yemen.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen ayaa sii wadi doona weeraradooda ka dhanka ah cadowga, illaama laga soo afjarayo duulaanka Sahyuuniyadda ee Marinka Gaza, lagana qaadayo go’doominta ay ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta.” Ayuu yiri Yahya Saree.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa bishii November bilaabay inay weeraraan maraakiibta ganacsiga ee laga leeyahay Israel, waxayna weeraradooda ballaariyeen bishii January, iyagoo ka jawaabaya duqaymaha Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ay bishaasi ka bilaabeen inay ka gaystaan dalka Yemen, tanina waxay xaalad hubinti la’aan ah ka abuurtay marinada maraakiibta.

Xiisadda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa shirkadaha maraakiibta ku khasabtay in ay ka weecdaan isticmaalka marinadaasi, si aan loo bartilmaameedsan.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayuu ujeedkoodu ahaa in ay ka hortaggaan weerarada Xuuthiyiinta, inkastoo aysan illaa hadda ku guuleysan in ay joojiyaan weeraradooda, balse ay uga sii darayn uun xaaladda.

Tani ayaa kicisay cabsida laga qabo in dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta uu sii fido, xasillooni darrana uu ku keeno Bariga Dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker