Maalin kasta naxdin iyo dagaal ayey ku jiraan Falastiin sida ay sheegtay UNRWA

Madaxa qorsheynta hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga Falastiin, Sam Rose, ayaa isagoo jooga Rafax u sharaxay BBC duqeynta Israel ee Axadii dadka ku dhinteen.

Rose waxa uu sheegay in ilaa sideed jeer la duqeeyay xerada iyadoo inta badan dadka ay ku dhinteen dadbkii ka kacay duqeynta. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu maqlay dad ku dhaawacmay firirka madaafiicda.

Rose wuxuu soo qaatay hadalkii ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ee ahaa in ay tahay “qalad dhacay”

“Ma dhihi karno tan waa shil dhacay. Haween iyo carruur ayaa lagu dilay xaalad tii ugu foosha xumeyd ugana xariis darneyd” ayuu yiri Mr.Rose

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay weerarkaan iyadoo boqolaal kalena laga daaweeyay dhaawacyo ka soo gaaray dabka iyo firirka madaafiicda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker