Saddax qof ayaa ku dhintay shan kale way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay Tadjoura Jabuuti

Shil gaari oo ka dhacay gobolka magaalada Tadjoura ee dalka djiboutii ayey ku dhinten saddax qof oo u ku jiro daraawalka gaariga.

Shan qof oo kale ayaa ku dhawacmay shilkan gaari kuwaas oo loo soo qaaday isbitaalka weyn ee magaalada Jabuuti.

Gaariga oo u noociisu ahaa Nissan waxa u siday toban qof oo rakaab ah, waxa uuna ka yimid gobolka Obock.

Sababta keentay shilka ayaa lagu sheegay kaddib markii gaariga uu ka baxay wadada. Dadweynaha marayay wadada ayaa shilka ku wargeliyay shaqaalaha gurmadka degdegga kuwaas oo kaddib gaaray goobta si ay u caawiyeen dadkii wax ku noqday shilka.

Wadada taagta gobolada waqooyiga Jabuuti ayaa ah mid dhexmarta buuraley, waxaana looga baahan yahay darawadalada in ay taxaadar dheeraad ah sameeyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker