Wiil Dhalinyaro ah oo Ku Dhintay Barkad Ku taala Degmada duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa.

Alle Haw Naxariistee Wiil Dhalinyaro ahaa ayaa ku dhintay Barkad ku taala duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa,gaar ahaan agagaarka Maqaaxida Inanta.
Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa u gurmaday Goobtaas, ayaa ciidanku ku guuleysteen inay maydka ka soo saaraan Barkadda.
Wiilkan dhalinyarada oo da’adiisu qiyaas ahaan ahayd 20 Jir ayaa ka soo jeeday Qoomiyada Oromada ee waddanka Itoobiya.
Waayadan dambe waxaa aad u soo batay dadka ku dhimanaya Balliyada iyo Baraagaha, waxaana ciidanka Dabdemisku halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan Balliyada iyo Baraagaha, sidoo kale la daboolaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker