Qaramada Midoobey oo bogaadisay go’aanka Masar ay gargaarka ugu wareejineyso Kerem Shalom

Qaramada Midoobey ayaa bogaadisay go’aanka Dowladda Masar ay gargaarka bani’aadantinimo ugu direyso Marinka Gaza, iyadoo la adeegsanayo Isgoyska Kerem Shalom ee ku yaala xadka Israel iyo Marinka Gaza.

Ka dib markii Ciidamada Israel ay 7-dii bishan la wareegeen Isgoyska Rafah ee ku yaala xadka Masar iyo Marinka Gaza ayay xanibeen gargaarkii ka soo gudbayay dhinaca Masar ee la gaarsiinayay dadka rayidka ah.

Kolonyo fara-badan oo gargaar sida ayaa ku xaniban magaalada ku dhow xadka Masar la wadaagto Marinka Gaza ee Arish (El-Arish), lamana oga goorta la fasixi doono, iyadoona ay ka sii dareyso xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Dowladda Masar oo ka jawaabeysa wax ka qabashada xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee shacabka Falastiiniyiinta ayaa dalbatay in garagarka uu Marinka Gaza ka soo galo dhanka Kerem Shalom, waana xilli Israel ay dhawaan Masar ku eedeysay in ay iyadu tahay cidda hortaagan gaadiidka gargaarka ee u raran Qaramada Midoobey.

Sam Rose oo ah Agaasimaha Qorsheynta ee Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegay in xukunka ka soo baxay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) ee ku wajahan Israel aanu weli waxba ka bedelin xaaladda adag ee ka jirta dhulka go’doonsan.

“Ma aanan arag wax is bedel ah oo degdeg ah oo ku yimid gargaarka dhulka, marka loo eego saameynta nolosha Falastiiniyiinta.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha ayaa bogaadiyay go’aanka Dowladda Masar ay  kolonyada gargaarka ugu direyso Kerem Shalom, ayna tahay in Israel ay ogolaato in halkaasi ay ka galaan Marinka Gaza.

Qaahira ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay tahay mid ku-meel-gaar ah, illaa iyo inta laga helayo habab sharci ah oo dib loogu furayo Isgoyska Rafah.

Israel ayaa xirtay Isgoysyada Rafah iyo Kerem Shalom, oo ahaa labada marin ee ugu muhiimsan ee ay ka gudbaan gargaarka la gaynayo Marinka Gaza. Xirnaanshaha Isgoyska Kerem Shalom ayaa sidoo kale horseeday in gargaarka Qaramada Midoobey aanu soo dhaafin Dekedda Ashdod ee Israel.

“Waxaan u aragnaa in tani ay tahay horumar wanaagsan, waana waxa aan ku baaqaynay muddo dheer.” Ayuu yiri Sam Rose oo Warbaahinta la hadlay.

Waxa kaloo uu yiri “Ka UNRWA ahaan oo keliya kumanaan baabuur oo gargaar sida ayaa nooga xaniban gudaha Masar iyo Dekedda Ashdod. Marka gargaarka ayaa weli ku xaniban xuduudaha, halka dadka ku nool Gaza ay la dhibaatoonayaan gaajo daran.”

Sam Rose ayaa intaasi ku daray “Haddii gargaarka la fasaxo waxaan awood u yeelan doonnaa inaan u qaybino dadka ku haray Rafah iyo kuwa kale ee ku nool qaybaha kale ee Marinka Gaza.”

Ma cadda sida kolonyada Qaramada Midoobey ay ku gaari karaan Rafah, oo ah halka uu gargaarka ka galo Marinka Gaza, iyadoo ay dagaalo ka socdaan bariga Rafah.

Israel ayaa kordhisay hawlgalka ay ciidamadeeda ka wadaan deegaanka ku yaala cirifka koonfureed Marinka Gaza ee Rafah, iyada oo diyaaradaheeda dagaalkana ay ka gaysanayaan duqaymo baahsan.

Shaqaalaha gargaarka ayaa mar sii horreysay xaaladda halkaasi ka jirta ku qeexay mid aad u khatar badan, sababtoo ah dagaalka ka socda aagga ayaa xaaladda ka dhigaya mid aad u adag.

Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha samafalka ayaa sheegay in gelitaanka cuntada, shidaalka iyo sahayda dawada ee Marinka Gaza ay si weyn hoos ugu dhacday, tan iyo intii uu bilowday duulaanka Israel ee Rafah.

Dhibaatada bani’aadantinimo ee Marinka Gaza ayaa gaartay meeshii ugu adkeyd, tan iyo markii Ciidamada Israel ay hawlgalka dhinaca dhulka ka bilaabeen bariga Rafah.

Hay’adda UNRWA ayaa sheegtay in qiyaastii sagaal boqol oo kun (900,000) oo qof ay ku barakaceen duulaanka Israel ee Rafah. Rafah ayaa duulaanka ka hor hoy u ahayd 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

UNRWA waxay sheegtay inay aad u kordheyso tirada dadka rayidka ah ee ka baxsanaya furinta cusub ee ay Israel ka furtay Rafah, oo ahayd meeshii ugu dambeysay ee ay dadku gabaadsanayeen.

Maxkamadda ICJ ayaa Jimcihii soo saartay amar ay Israel ku fareyso in ay joojiso weerarka ballaaran ee Rafah, isla-markaana ay qaaddo xanibaadda ay ku hayso gurmadka bani’aadantinimo ee sida weyn loogu baahan yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker