Josep Borrell: Yurub waa inay kala doorataa taageerada sharciga caalamiga ah ama Israel

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in Midowga Yurub uu wajahayo doorasho adag, oo ku aaddan in ay kala doortaan taageerada hay’adaha caalamiga ah amaba taageeradooda Israel.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah ururka looga baahan yahay in ay qeexaan mowqifkooda kaga aaddan amarka ka soo baxay Maxkamadda Cadddaaladda Caalamiga ah ee Israel lagu faray in ay joojiso weerarka ballaaran ee deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

“Waa inaan kala dooranaa taageeradayada hay’adaha caalamiga ah iyo sharciga ama taageerada aan siino Israel. Waxay noqon doonaan kuwo aad u adag in la is waafajiyo.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Isagoo ka hadlayay kulan uu kaga qaybgalay Magaalada Florence ee dalkaasi Talyaaniga ayaa wuxuu yiri “Aan aragno tallaabada uu Midowga Yurub ka qaadi doono go’aanka ka soo baxay Maxkamadda ICJ, kaas oo noqon doono mowqifkayaga.”

Waxa uu sheegay in dalalka Midowga Yurub ay horaan ku kala qaybsameen, marka ay noqoto jawaabcelintooda duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

“Waxaa jiray khilaaf aad u qoto dheer oo ka dhashay go’aan qaadashada dalalka Midowga Yurub ee dagaalka Gaza. Hadda waxaan joognaa inaan kala doorano taageerada hay’adaha caalamiga ah amaba taageeradayada Israel.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Borrell ayaa ku baaqay in wax laga bedelo habraaca go’aamada Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo u baahan in si wadajir ah loo taageero dhammaan 27 hoggaamiye amaba aqlabiyaddooda.

Hungary ayaa dhawaan si gaar ah u hakisay hindiseyaal muhiim ah, oo dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub ay ku doonayeen inay uga jawaabaan dagaalka, oo ay ku jiraan in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu lagu khasbo in uu joojiyo duulaanka Rafah iyo cunaqabateyno ka dhan ah Israeliyiinta xagjirka ah ee rabshadaha ka wada dhulka ay Israel deegaameynta ka sameysay ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Go’aanka Hungary ayaa saameeyay aqlabiyadda, waana sababta uu Josep Borrell u soo jeediyay in wax ka bedel lagu sameeyo habraacii ay muddada dheer ku dhaqmayeen ee siyaasaddooda arrimaha dibadda.

Kororka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee shacabka Falastiiniyiinta ee sida tooska ah looga daawanayo barraha bulshada ayaa soo dedejisay in ay baraarugaan bulshada Qaaradda Yurub, taas oo dowladahooda ku riixday in ay dib u eegaan xiriirka ay la leeyihiin Israel.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka qaarkood ayaa ka careysan, sida ay israel uga dhego fureysaneyso baaqyada Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobey ee looga dalbanayo inaysan ciidamadeedu beegsan dadka aan waxba galabsan iyo kaabeyaasha rayidka, isla-markaana ay fasaxdo gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Bulshada reer Yurub ayaa barraha bulshada kaga falcelinaya baaqa ka soo yeeray Borrell, iyadoona aad arki karto, sida hadalkiisa uu ugu kordhiyay carradii ay markii horeba u qabeen Israel. Carrada dadka qaaradda ayaa qayb ka ah carrada caalamiga ah ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Israel iyo inta badan dalalka caalamka ayaa horey ugu kala fogaaday dhiigga ay gacmaha kula jiraan, waxaana hadda cad in ay kala furfuranayaan reer Yurub.

Arbacadii, Dowladaha Norway, Spain iyo Ireland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah 28-ka bishan u aqoonsanayaan Dowladda Falastiin.

Dilalka aan aan kala sooca lahayn ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza ayaa horseeday in Tel Aviv ay mucaaradad xoog leh kala kulanto shacabka Mareykanka. Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker