Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay cunaqabateynta Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay saddex hogaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateyn ku soo rogay saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu qabo qaraarka tirsigiisu yahay 2713.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweis Jaamac ayaa bogaadiyay go’aankan.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay bogaadinaysaa go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cunaqabateeyey saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab codsigeenna. Shakhsiyaadkan hadda waxay ku jiraan liiska cunaqabataynta ee hoos timaada Qaraarka 2713, iyagoo wajahaya xayiraad dhaqaale iyo mamnuucid socdaal,“ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Arrintan ayaa ku soo beegantay saddex maalmood ka dib markii Golaha Ammaanku uu cunaqabatayn ku soo rogay saddex ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka qaybqaataan maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker