Mareykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis is-afgarad militari

Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday saxiixa ‘heshiis is-afgarad difaac ah’ kaas oo uu la saxeexday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Afrika Molly Fee.

Aadan Barre ayaa sheegay in ‘kor loogu qaado tallaabooyinka amniga iyo hawlgallada milatari ee wadajirka ah.’

“Heshiiskan oo ay ka mid yihiin balaadhinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha ee Manda Bay oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, ayaa lagu taageerayaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada, horumarinta awoodaha shaqo, iyo in la dejiyo diyaarado waaweyn, taasoo sare u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa iyo dabacsanaanta ciidamada ammaanka.” ayuu Ducaale ku yiri bayaan kusoo baxay bartiisa Facebook.

Waxa uu Aadan Ducaale sheegay in heshiiskan uu ‘daba socday codsigii Kenya iyo ballanqaadkii dowladda Mareykanka ee ahaa in ay maalgelinayaan dhismaha, taasoo muujineysa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta nabadda adduunka.’

Maraykanka ayaa kor u qaadayo heerka iskaashiga ee Maraykanka iyo Kenya ee arrimaha gobolka iyo caalamkaba, kadib markii Madaxweyne Biden uu dhiggiisa Kenya William Ruto uu Khamiistii kusoo dhaweeyay Aqalka Cad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker