Israel oo dadkeeda dib ugu celineysa deegaano laga mamnuucay sanadkii 2005

Taliska Militariga Israel ayaa ansixiyay in Israeliyiin dib loogu celiyo deegaano ku yaala Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa Arbacadii sheegay in ay ogolaadeen in dadka reer Israel dib loogu celiyo saddex ka mid ah deegaanadii waqooyiga Daanta Galbeed ee laga raray sanadkii 2005.

Baarlamaanka Israel ayaa bishii March ee sanadkii 2023 u codeeyay in muwaadiniintooda loo ogolaado inay dib ugu laabtaan Sa-nur, Ganim iyo Kadim, balse maamulka ayaa u baahnaa ogolaanshaha militari, si sharcigan loo dhaqangeliyo.

Baarlamaanka ayaa wax ka bedel ku sameeyay, waxa loogu yeero (Sharciga kala tagga) ee sanadkii 2005.

“Sidii aan sameeyay jago kasta oo aan ka soo qabtay dowladda, waxaan sii wadi doonnaa horumarinta dejinta dadka Yahuudda ee Samaria (Daanta Galbeed).” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israel.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid sharci uu ansixiyay Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel, kaas oo sanadkii hore sharciyeeyay deegaameyntii sharci darrada ahayd ee uu maamulku mamnuucay 19 sano ka hor. Knesset-ka ayaa meelmariyay in dadka reer Israel dib loogu celiyo saddex ka mid ah afar deegaan oo laga soo raray 2005.

Militariga oo leh kontoroolka Daanta Galbeed ayaa Israeliyiinta ka hortaagnaa inay dib ugu laabtaan deegaanadaasi, wuxuuna ogolaanshahooda ka dhigan yahay inay degi karaan dhulkii horaan laga mamnuucay.

Xukuumaddii Raysal Wasaare Ariel Sharon ayaa mamnuucday deegaameynta dadka Yahuudda ah ee deegaanadaasi, waxayna amar ku bixisay in Israeliyiinta laga raro dhulkaasi, iyadoona ciidamadu ay dadkaasi si khasab ah uga soo rareen dhulkaasi. Sharon ayaana xilligaasi mamnuucay in dadka Yahuudda ay ku laabtaan halkaasi.

Beesha Caalamka ayaa deegaameynta u aragta mid sharci darro ah, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee ay dunida ku dhisan tahay, balse Israel ayaa muddo dheer diidmo ka muujineysay arrintaasi, iyadoona dib u dejin ballaaran ka sameysay dhulkii ay xoogga uga qabsatay Falastiiniyiinta.

Israel ayaa tallaabadan ugu dambeysay ku muujineyso, sida ay uga careysan tahay go’aanka ay Ireland, Norway iyo Spain ku aqoonsadeen Dowladda Falastiin.

Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa shalay ku hanjabay in go’aankan uu yeelan doono cawaaqib daran.

Wasiir Katz ayaa ku goodiyay in Israel aysan ka aamusi doonin kuwa wax u dhimaya sida uu yiri madaxbannaanideeda iyo ammaankeeda.

Ka dib duulaankii Israel ee Marinka Gaza, gumaadka dadka aan waxba galabsan iyo burburinta lagu hayo kaabeyaasha rayidka, dunida ayaa muujisay inaanan intaan ka dib laga sii aamusnaan karin ficilada guracan ee Israel.

Dalalka reer galbeedka oo Spain ay ugu horreyso ayaa hadda u ololeynaya qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker